Roobaba lagu qabowsaday oo xalay ilaa saaka ka da,aya Muqdisho

Roobaba lagu qabowsaday ayaa xalay ilaa iyo barqanimadaan maanta ah ka da,aya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Roobabka oo ah kuwo dhibcdoodu aysan xooganeyn balse si is aan kala go,laheyn u socdo ayaa sababay in dad badan ay awoodi waayaan in ay u kalahaan goobahooda ganacsiga.

Dhulka godka ah, wadooyinka iyo barxadaha waaweyn ee caasimada ayaa waxaa buuxa biyo fara badan, waxaana la arkayaa dad badan oo roobka ku qabeysanaya si ay ugu qabowsadaan isagana meyraan finanka uu u keenay kuleylki darnaa ee maalmahan ka jiray Muqdisho.

Roobkan oo ah kii xiliga Guga ayaa sidoo kale ka da,ay gobolada dalka qaar sida Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan goboladaasi.

Wali lama soo sheegin roobabkan saameynta dadka masaakiinta ah, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in uu aad u waxyeeleeyo dadka aanan heysan hooyga ee u badan barakacayasha.

Dalka Soomaaliya ayaanan helin sadexdi afarti xilli ee lasoo dhaafay roobab ku filan, waxaana taasi ay keentay in sanadki tagay ee 2011 dalka ku habsadaan abaaro galaaftay nolosha dad iyo duunyo badan.

Inkastoo kumanyaal dad ah oo ay horay u saameysay abaarta ay kasoo waaqsadeen hadana waxaa wali laga dareemayaa meelaha qaar, hase yeeshee roobabkaan iminka ka bilowday koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa la rajeynayaa inuu ALLE ku barwaaqeeyo Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.