Roobab Xoogan oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ay Jowhar

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ka da’een roobab xoogan oo mahiigaan ah.

Roobabkaan xoogan ayaa sababay in dadkii daganaa xaafado katirsan Jowhar ay barakacaan, kadib markii ay saameyn xoogan ku yeesheen roobabka xoogan.

Intii badneed dadkii ku dhaqnaa Xaafada Badda Cas ayaa ka cararay guryahooda si ay uga badbaadaan daadka faraha badan ee ka dhashay Roobabka kaasoo lasoo sheegayo inuu la tagay guryo fara badan oo ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe.

Roobabkan mahiiganka ah ee ka da’ay Jowhar iyo agagaaraheeda, ayaa la sheegay ineey geysteen qasaaro hantiyadeed, waxaana la sheegay ineey qaadeen guryo farabadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here