Roobab lagu Qaboobsaday oo Ka da’ay Qeybo katirsan Gobolka Gedo

roob-mahiigaan

Iyadoo qeybo katirsan Gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka jirto Xaalad Abaareed oo dadka iyo Xoolaha Saameysay ayaa hadda waxa laga soo sheegayaa in Roobab ay ka da’ayaan.

Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxa lasoo sheegayaa in Roobab Mahiigaan ah ay ka curteen taasi oo damisay Qeylo dhaan ka taagneyd halkaasi oo Abaartu aad usaameysay.

Tuulooyin hoostaga Degmada Luuq ayaa dadka iyo Xooluhu ku nafiseen Roobka alle halkaasi ukeenay waxaana dadka iyo Duunyaduba ay ahaayeen kuwo biyo la’aan ka cabanayey waayihii lasoo dhaafay.

Alle bari banaanbaxyo ah ayaa waxay ka dhacayeen maalmihii lasoo dhaafay qeybo katirsan Gobolka Gedo si alle uga dul qaado abaarta ka jirta halkaasi iyadoo hadda aad moodo in dadku ay qaboowsadeen maadama Roob uu ku dul hooray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here