Roobab lagu diirsaday oo Xalay Gaalkacyo ka da’ay

53Habeenkii Xalay ahaa ayaa roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada waxa ay xareeda wareen Magaalada Gaalkacyo, ee G/Mudug.

Roobka oo da’ayay saacado badan ayaa waxa uu biyo dhigay waddooyinka Degmada Gaalkacyo, waxaana Shacabku ay aad ugu Farxeen Raxmada Eebe Xilli Maalmihii ugu dambeeyay Jawiga magaalada Mudug uu ahaa Mid Kulul.

Sidoo kale roobabkan ayaa waxaa ku diirsaday dadka iyo duunyada waxa ayna ku soo beegmayaan xilli halkaasi ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan daran.

Kusimaha Duqa Degmada Galkacyo ee mamulka Galmudug ahna Ku xigeenka Duqa Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa Isla Xalay Kormeer ku tagay goobo Muhiim ah oo ku yaal Magaalada Gaalkacyo, isagoo u kuurgalayay xaaladda dadka iyo sida ay roobabku u saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here