Roobab la filayo in Saacadaha soo socda si xiriir ah uga da’aan Puntland & Somaliland

Saameynta-Roobkii-Duufaanta-Puntland-6Warbixin ay soo saartay Hay’ada FAO ee QM, ayaa lagu sheegay in Sadexda maalin ee fooda nagu soo haysa, Roobab xiriir ah ay ka di’i doonaan Somaliland & Puntland, waxaana Hay’ada ay Warbixinteeda ku xustay in Roobaabkaas la filayo ineey da’aan ay Khasaaro lamid ah geysan doonaan sidii kuwii dhawaan halkaas ka da’ay.

Warbixinta FAO, sidoo kale waxaa lagu xusay in Labada Wabi ee Shabelle & Jubba ay hada yihiin kuwo aad u biix dhaafiyay, islamarkaasna hadii ay Roobab kale kusii da’aan ay noqon doonaan kuwo fataha oo karaarka jabsada.

Hadlkaan kasoo yeeray Hay’ada FAO oo QM u qaabilsan dhanka Beeraha, ayaa waxaa jirin wax Jawaab ah oo ay ka bixiyeen maamulada Somaliland & Puntland.

Waxaa xusid mudan in Roobab wata Duufaan Xoogan ay maalmo kahor ku dhufteen Xeebaha Puntland, halkaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qof iyo Xoolo lagu qiyaasay 100,000, sidoo kale waxaa jira dad ay daadadku qaadeen oo ilaa iyo hada la la’yahay.

Caalamka ayaan ilaa iyo hada si dhab ah ugu soo gurman Musiibada Rabaaniga ah ee ku dhufatay qaybo kamid ah dalka, laakiin Soomaalida ayaa muujinaya dadaal xoogan oo ay ugu Gurmanayaan walaalahooda dhibaateysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here