Roobab Khasaaro farabadan geystay oo ka da’ay Jabuuti

Wakaalada wararka Djibouti ayaa qortay in roobab mahiigaan ah oo shalay ka da’ay halkaas, ay ku dhinteen 7 kamid ah Ciidamada milatariga, kuwaasoo oo doonayay ineey gurmad u fidiyaan dad rayid ahaa, oo ay saameeyeen roobabka.

Baabuur ay saarnaayeen Askar gaareyso 30, ayaa sida wakaalada qortay waxa uu ku dhacay waadi lagu magacaabo “Haadley” waxaana halkaas ku dhintay 7, waxaana ku dhaawacmay 8 kamid ah Askartaas, 11 kalena waa la la’yahay.

Roobabka ayaa saameeyay gabi ahaanba dalka Djibouti, Ciidamada milatariga dalkaas ayaa bad baadiyay dad rayid ah oo farabadan, kadib markii ay daadadka kadhashay roobka jareen wadooyinkii ay mari lahaayeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here