Roob qasaaro sababay oo ka da,ay Hargeysa

Roob mahiigaan ah oo qasaaro nafeed sababay ayaa ka da,ay shalay iyo xalay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyi Galbeed.

Inta la hubo wiil yar ayaa ku dhintay ilaa iyo shan gurinba wey ku bur bureen kadib marki ay ku rogmadeen daadad xoog leh oo uu roobku sababay, xaafada Gacan-Libaax ee magaalada Hargeysa.

Maamulka magaalada Hargeysa ayaa maanta ka bilaabay halkaasi howlo ay ku dayac tirayaan dhuumaha biyaha ka qaada magaalada iyo qaar kale oo loo sameynayo xaafadaha si biyaha daadadku keeneen magaalada loogaga saaro.

Roobabka xiliga Guga ayaa todobaadkan si wanaagsan uga da,ay magaalooyin badan oo Soomaaliya ah oo ay ku jirto magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Roobabkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay qeybo badan oo Soomaaliya ah ay hada kasoo kabanayaan abaaro xoog leh oo garaacay sanadki 2011.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.