Roob lagu diirsaday oo Xalay Muqdisho ka da’ay

Jawiga magaalada Muqdisho oo maalmahaan ahaa mid aad iyo aad ukulul, ayaa saakay isku badalay mid neecaaw qaboow ku dheehan, kadib markii Xalay uu ka curtay roobka Guga, roobka ayaa bilaawday abaare 10:00 ee xalay, waxaana uu socday ilaa iyo saakay.

Inkastoo roobka uu ahaa mid lagu diirsaday laguna qabowsaday, ayaa dhanka kale hadana waxa jira dad masaakiin ah oo aan haysan meel ay ka galaan roobka, sida dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha qaxootiga.

Barakacayaasha ku nool kaamamka Muqdisho ayaa ku nool guryo ka samaysan cooshado iyo Baco, waxaana xiliyada roobabka soo wajaha dhibaatooyin farabadan.

Aqristayaasheena sharafta leh, waxaan goordhow idiin soo gudbin doonaa Sawiro ka tarjumaya saameynta uu Roonka ku yeeshay barakacayaasha ku nool Muqdisho, iyo guud ahaanba sida u saameeyay magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here