Ronaldo,Neymar,Benzema & Guardilo oo hal meel ku dabaal degi doona habeenka sanadka cusub

timthumbRabat-Magaalada Marrakech ee dalka Morocco, waa magaalo ay inta badan dadka ugu caansan dunida u doortaan ineey u dalxiis tagaan oo ay ugu soo dabaal degaan habeenka Sanadka cusub.

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Ronaldo uu markale kula heshiiyay saaxiibkiisa Hari inay wada qaataan xaflada dabaal daga habeenka sanadka cusub ee 2016.

Ronaldo ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhameeyay saaxiibkiis Karim Benzema inuu  horay u raaco oo uu kala qayb qaato dabaal daga soo dhawaynta sanadka cusub taas oo ay ku qabsan doonaan Hotel ku yaala Morocco.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ronaldo iyo Benzema oo kaliya ayeeysan ahayn ciyaartoyda dabaal daga sanadka cusub ku soo qaadan doona Morocco balse laacibka Barcelona ee Neymar ayaa lasoo sheegayaa inuu asxaabtiisa kula soo dabaal dagi doono wadanka carbeed ee Morocco.

Cristiano Ronaldo ayaa go’aansaday inuu Hotel-ka ku kiraysto aduun lacageed dhan 35 kun oo Dirham una dhiganta 3200 oo euro si uu ugula dabaal dago Hari, Benzema iyo asxaabtiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here