Ronaldo, Zidane & Figo oo cayaaraya cayaar caalami ah +Sawirro

Dalka Switzerland, waa Maalinta Salaasada oo bisha March ay tahay afar ka dhacaysa cayaar ay ka soo muuqan doonaan cayaartoydii soo maray kubadda casata kuwii ugu caansanaa.

Cayaartan ayaa loogu talagalay in gargaar loogu aruuriyo dadkii ku wax yeeloobay dabeyshii Typhoon Haiyan ee ku dhuftay dalka Philippines.

Cayaartoyda ka dhex muuqan doona waxaa ka mid ah Ronaldo, Zinedine Zidane, Luis Figo iyo Paolo Maldini waa dhammaan cayaartoy muhiim ah oo soo maray adduunka.

Cayaar kulmineysa rug cadayaal
Cayaar kulmineysa rug cadayaal

Cayaartoyda kale ee ka dhex muuqan doontao waxaa kaloo ka mid ah: Fernando Hierro, Fabio Cannavaro, Robert Pires, Patrick Vieira, Gennaro Gattuso, Pavel Nedved, Christian Vieri iyo Giovane Elber.

Tababbarrihii horre ee Chelsea, Ruud Gullit, ayaa macalin u noqon doona cayaartoyda ka qayb qaadan doona cayaartan.

374053hp2

Halkan ka eeg dhammaan cayaartoyda ka qaybgalaysa cayaartan

Goolhayaasha waxaa ka mid ah  Carlo Cudicini (Italy), Antonios Nikopolidis (Greece)

Difaaca waxaa ka mid ah  Paolo Maldini, Fabio Cannavaro, Gianluca Zambrotta (Italy), Fernando Hierro, Michel Salgado (Spain), Jamie Carragher (England), Paulo Ferreira, Fernando Couto (Portugal).

Qadka dhexe waxaa ka mid ah: Zinedine Zidane, Patrick Vieira, Robert Pires, Christian Kerembeu (France), Luis Figo, Paulo Sousa (Portugal), Pavel Nedved (Czech Republic), Freddie Ljungberg (Sweden), Gaizka Mendieta (Spain), Gennaro Gattuso (Italy), Ronald de Boer (Netherlands), Santiago Solari (Argentina), Hidetoshi Nakata (Japan), Steve McManaman (England)

Weerarka waxaa ka mid ahAttackers  Ronaldo, Marta, Giovane Elber (Brazil), Davor Suker (Croatia), Hakan Sukur (Turkey), Youri Djorkaeff (France), Christian Vieri (Italy), Nuno Gomes (Portugal).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here