Ronaldo: Waxaan u maleenayaa Messi in uu ku guuleesan doono Ballon d’Or

315887_heroa

Cayaaryahankii hore ee xulka Brazil Ronaldo ayaa taageeray weerar yahanka kooxda Barcelona, Lionel Messi wuxuuna sheegay in markii shannaad uu ku guuleesan doono Ballon d’Or .

Xidigga reer Argentine ayaa kula tartamaya weerar yahanada Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Bayern Munich’s Franck Ribery.

Xidigii horre Camp Nou iyo Santiago Bernabeu ayaa sheegay Messi in uu ku guuleesan doono abaalmarinta xidigga ugu muhiimsan ee aduunka sannadkan 2013.

“Waxan u maleenayaa Messi in uu ku guuleesan doono Ballon d’Or again,” Ronaldo ayaa sidaas laga soo xigtay isaoo la hadlaya wargeyska Marca.

Ronaldo ayaa ku guuleestay abaalmarinta¬† Ballon d’Or labo jeer xirfadiisa waxaana ay kala ahaayeen sannadihii 1997 iyo 2002.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here