Ronaldo: Waxaan markale ka garab cayaari doonaa Mourinho

Ronaldo: Waxaan markale ka garab cayaari doonaa Mourinho
Ronaldo: Waxaan markale ka garab cayaari doonaa Mourinho

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka garab cayaaro macalinkii horre Real Madrid Jose Mourinho markale mustaqbalka.

Xiriirka Mourinho iyo Ronaldo ayaa la sheegay in uu xumaa markii uu ka tagay  Mourinho garoonka Santiago Bernabeu xilli cayaareedkii horre isagoona ku biiray Chelsea.

Balse Ronaldo ayaa sheegay in uu markale doonayo in uu la shaqeeyo macalinkiisii horre.

28-jirkan ayaa sheegay maalin uun in uu la midoobi doono Mourinho.

“Waan cafiyay Mourinho?wax kasta oo uu igu sameeyay. Waxaan go’aansaday in aan aan weligey la hadlin balse wax kasta wax iska cafiyay,” ayuu u sheegayA Bola TV.

Ronaldo ayaa loo magacabay seddaxda cayaartooy ee isugu soo haray abaalmarinta cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka ee Ballon d’Or wuxuuna caddeeyay in uu jeclaan lahaa in uu ku guuleesto abaalmarintaas.

“Like last year and the year before, I always think I deserve the Ballon d’Or. I’d like to win it every year.”

Ronaldo ayaa xilli cayaareedkan dhaliyay 18-gool markii uu ka soo muuqday 16-cayaar oo u saftay kooxda Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here