Ronaldo: “Waan u xiisay Manchester United”

Xidiga sare ee Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa qiray inuu u xiisay kooxdiisi hore ee Manchester United isala markaana uu wali xoogan yahay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo macalin Sir Alex Ferguson.

Ronaldo oo marki hore ka ciyaari jiray garabka hadase afka hore ka dheela ayaa ku qarash gareeyey garoonka Old Trafford ee naadiga Man United lix xilli ciyaareed, hase yeeshee sanadki 2009 ayuu ku biiray Madrid oo ku iibsatay £80 million taasi oo ka dhigtay laacibka ugu qaalisan caalamka.

Xilli ciyaareedkan wuxuu jebiyey rikoor uu horay u dhigay oo ahaa inuu dhaliyey 40 gool oo horyaalka La Liga ah, isaga oo saxiixay goolki ay Real uga guuleysatay Barcelona asbuucan kulanka El Clasico.

27 jirkaan u dhashay dalka Portuagl ayaa u dhaw inuu u horseedo Real Madrid horyaalki ugu horeeyey oo ay qaado tan iyo sanadki 2008.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.