Ronaldo oo ugu horeeya liiska cayaartoyda ugu taajirsan 2014-ka

 

Ronaldo oo ugu horeeya liiska cayaartoyda ugu taajirsan 2014-ka
Ronaldo oo ugu horeeya liiska cayaartoyda ugu taajirsan 2014-ka

 

Sannadkasta ayaa qiimayn lagu sameeyaa cayaartoyga ugu taajirsan kubadda cagta, Ronaldo wuxuu ka hormaray cayaaryahanka Barcelona ee Lionel Messi, waxaana dhaqaalaha cayaaryahanka kooxda Real Madrid lagu qiyaasay €148 million.

Goal ayaa qiimayntan ka soo uruurusay lacagta uu cayaaryahanka ka sameeyay dhaqdhaqaaqyada cayaarta kubadda cagta.

Ronaldo ayaa ka guuleestay David Beckham, oo hoggaaminaayay sannadkii 2013 liiska cayaartoyga ugu taajirsan adduunka, balse wuxuu sheegay in uu cayaaraha ka fadhiistay bishii May.

Messi ayaa ku jirra kaalinta labaad kaddib markii Barcelona uu dhaqaajiyay hoggaanka horiyaalka, cayaaryahanka xilli cayaareedkan waxaa ragaadiyay dhaawacyo.

Wayne Rooney ayaa ka mid noqday afarta cayaatoyd ee ugu mushaarka badan adduunka, wuxuuna noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee Taarikhdaas kubadda cagta Britain sameyay, wuxuu dhawaan heshiis la gaaray Man U wuxuuna qaadan doonan toddobaadkii kaliye  €365,000.

Neymar oo ay jahwareer ka taagan tahay siddii uu ugu soo wareegay Barcelona ayaa kaalinta lixaad soo galay, waxaana waalidkiisa ay lee yihiin waxaan u baahanahay €40m oo lacagtii lagu heshiiyay.

Samuel Eto’o ayaa soo galay lambarka 3-aad oo waxaaba uu ka horeeya Rooney, wuxuuna arrintaas uga mahad celinayaa naadiga Ruush-ka ee Anzhi Makhachkala oo ka sameeyay Malaayin doollar..

Cayaartoyda kale,ee liiska ku jirra waxaa ka mid ah Kaka, Ronaldinho, Zlatan Ibrahimovic, Gianluigi Buffon iyo Thierry Henry oo soo galay kaalinta 10-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here