Ronaldo oo rikoor cusub dhigay

Ronaldo oo rikoor cusub dhigay
Ronaldo oo rikoor cusub dhigay

Xiddigga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa rikoor cusub dhigay, isagoona labo gool ka dhaliyay kulan kooxdiisa Real Madrid habeenkii xaley ay la yeelatay kooxda Schalke.

Labadaas gool waxa ay ka dhigtay Ronaldo in uu noqtay cayaaryahanka ugu gool dhalinta badan xilli cayaareedkan horyaalka Yurub ee Champions League, oo wuxuu dhaliyay 13-gool.

Wuxuu gool ka hooseeyaa Lionel Messi oo sameeyay 2010 ilaa 2011, in uu dhaliyo goolashii ugu badnaa ee ka dhashay cayaaraha hoyaalka Yurub.

Sidoo kale cayaaryahanka ayaa doonaya in ay isku heer noqdaan xiddig hore oo soo maraday kooxda oo dhashay dalka Ferenc Puskas kaasoo ahaa cayaaryahanka afaarad ee ku jira liiska cayaartoyda ugu gool dhalinta badan Real Madrid wuxuu dhaliyay 242 oo gool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here