Ronaldo oo jabiyay rikoor u yaalla Messi

Ronaldo oo jabiyay rikoor u yaalla Messi horyaalka Champions League
Ronaldo oo jabiyay rikoor u yaalla Messi horyaalka Champions League

Cristiano Ronaldo ayaa jabiyay rikoor u yaallay Lionel Messi, kaasoo ahaa goolasha uu ka dhaliyay horyaalka Yurub ee Champions League.

29-jirka reer Portugal ayaa dhaliyay  labo ka mid ah afartii gool ay kooxdiisa xaley kaga adkaatay kooxda Bayern Munich Salaasadii.

Ronaldo ayaa dhaliyay 16-gool 10-kii kulan ee horyaalka Yurub xilli cayaareedkan 2013 ilaa 2014-ka.

Wuxuu hal gool ka horeeyaa Messi oo dhaliyay 14 gool 11 kulan intii lagu guda jiray xilli cayaareedkii 2011-12 .

Ilaa hadda ma jirto cayaaryahan heerkaas gaaray inta la ogyahay. No player has ever scored at such a rate in Europe’s premier club cup competition.

Messi ayaa jabiyay rikoorka Ruud van Nistelrooy oo u soo cayaaray kooxda Manchester United intii lagu guda jiray sannadkii  2003.

Xiddiga reer Dutch ayaa dhaloiyay 12 gool.

Xiddigii horre ee Manchester United ayaa fursad u heestau in uu dhaliyo goolal kale cayaarta Fiinaalka ee ka dhaceysa magaalada Lisbon bisha soo socota.

Madrid ayaa la kulmi doonta midkood kooxaha Chelsea ama Atletico marka ay ku cayaaraan Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here