Ronaldo oo dib ugu laabanayo horyaalka Ingiriiska

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu qorsheynayo sidi uu dib ugu laaban lahaa horyaalka dalka Ingiriiska oo uu kusoo caanbaxay.

War uu maanta daabacay wargeysyka Sunday Express  ayaa lagu sheegay in Ronaldo oo maanta u dabaal dagay sanad guuradiisii 27-aad uu u sheegay asxaab ay aad isugu dhaw yihiin inuu ka tagayo Real Madrid kuna laabanayo horyaalka Ingiriiska.

Horaanti xilli ciyaareedkaan Ronaldo waxaa ku oriyey qaar ka mid ah taageerayaasha gudaha ee Real kuwaasi oo su,aalo geliyey hab dhaqanka ciyaaryahanka.

Inkastoo xiriirka ciyaaryahanka iyo taageerayaasha uu soo hagaagay isla markaana Real u dhawday in ay qaado horyaalka Spain ayaa hadana wali waxaa jiro ih uu qabo Ronaldo oo ah inuusan ku faraxsaneyn taageerayaasha.

Xidigaan sare oo ay sanadki 2009 Real kaga soo iibsatay Manchester United lacag dhan £80million oo ah qiimihi ugu badnaa ee laacib lagu gato ayaa waxaa uu wargeysku leeyahay hadiiba uu dib ugu soo laabanayo garoonka Old Trafford qiimahaasi maku imaan doono oo waa ay ka yaraan doontaa.

Wargeyska oo soo xiganaya saaxibada Ronaldo ayaa sheegaya in Ronaldo ay xiiseynayaan kooxaha Manchester City, Chelsea iyo kooxdiisi hore ee Man United, balse uu aad ugu xiisay kooxda Manchester United.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.