Ronaldo oo dhaliyay 2 ka mid ah goolasha loo saariyay Osasuna

Ronaldo oo dhaliyay 2 ka mid ah goolasha loo saariyay Osasuna
Ronaldo oo dhaliyay 2 ka mid ah goolasha loo saariyay Osasuna

Xiddig reer  Portugal, Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay labo ka mid ah goolal afar ah oo ay kooxda Real Madrid uga adkaatay  Osasuna, Sabtidii kulan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga.

Kooxda ayaa weli rajo ka qabta hoggaanka horyaalka.

Goolasha kale ee Real waxaa dhaliyay Sergio Ramos iyo Daniel Carvajal

Osasuna ayaa weli ku jirta kooxaha qarka u saaran in ay ka haraan horyaalka waayo seddax dhibcood ayaa uga dhimmaan heerkaas.

Macallin Ancelotti ayaa ku farxay guushaas, waxaana uu xaley keyd galiyay Ronaldo, Di Maria iyo Luka Modric awuxuuna u diyaariyay cayaarta bartamaha toddobaadkan ay u safrayaan Germany.

Cayaaraha kale ee Sabtidii la cayaaray

FT     Granada     0 – 3     Rayo Vallecano

FT     Getafe     1 – 0     Malaga

FT     Real Madrid     4 – 0     Osasuna

FT     Real Betis     0 – 1     Real Sociedad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here