Ronaldo iyo Romario oo taageerayo Santos kulanka berito ee Barcelona

Iyadoo Axada beri ah lagu wado in kooxda reer Brazil ee Santos iyo kooxda Barcelona isku haleelaan filanka koobka Club World Cup ayaa waxaa ka hadlay xidihi hore ee dalka Brazil.

Helyeeyada kala ah Ronaldo iyo Romario oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Barcelona, ayaa sheegay in ay u sacaba tumi doonaan kooxda Santos kulanka finalka oo ka dhici doono dalka Japan.

“Waxay noqon doonaa ciyaar qatar ah waxaana u sacbi doonaa kooxda ka dhisan dalka Brazil, waxaan rajeynayaa Neymar maalintaasi u noqon doono maalin i feysa waxaana afka hore ka ahaan doonaa TV-ga si aan u daawado,” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlay Terra.

Romario ayaa isna sheegay inuu farxi lahaa hadii ay qaadi laheyd koobka kooxda Santos, laakin uu ka naxsanyahay Barcelona.

 

“Dabcan, waan taageerayaa, aniga waxaa usoo ciyaaray Barcelona sumcad badan ayaana u hayaa kooxdaasi, laakin waxaan rajeynayaa in ay Santos badin doonto, laakin hadii ay Barca qaado ma murugoon doono,” ayuu yri.

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Wadsalaamantihiin dhaman bahda wepka sln kadib waxan leyahay kobkan Barca cid kaxigto maleh cid kahor istaagi kartana majirto viva messi and king xavi, Viva Barcelona and king midfilder xavi viva iniesta

Comments are closed.