Ronaldo iyo Mourinho oo aanan ka qeybgali doonin munaasabada Fifa Ballon d’Or gala

Real Madrid ayaa xaqiijisay in tababarahooda Jose Mourinho iyo xidiga Cristiano Ronaldo aysan ka qeybgali doonin munaasabada lagu caleema saari doono xidiga aduunka.

Munaasabadaan 2011 Fifa Ballon d’Or oo lagu qaban doono 9-ka bishaan oo ku beegan Isniinta magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa Ronaldo waxa uu ka mid yahay 3-da laacib ee u sharaxan.

Wararka kasoo baxaya dalka Spain ayaa sheegaya in Mourinho iyo Cristiano Ronaldo ay go,aansadeen in ay baaqdaan sababo la xiriira iyaga oo is dhaha abaalmarnta waxaa kaalinta koowaad iyo labaad ka kala galaya Messi iyo Xavi oo labaduba ka mid ah murashaxiintya una ciyaara kooxda Barcelona.

Sida la saadaalinayo Messi ayaa la rajeynayaa in markiisi sadexaad oo xiriir ah ku guuleysto abaalmarintaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.