Rome oo 5-0 ku xaaqday Bologna

Rome waa Naadiga ugu Xoogan Yurub waqti xaadirkan

download (1)

 

Waa wax aysan Rumeysan karin marnaba dadka ku tixan Kubada Cagta Yurub, Naadiga Rome ee ka dhisan Horyaaka wadanka Talyaaniga waa Naadiga ugu xoogan Naadiyada Yurub Xiligaan, maxaa yeelay ilaa haatan waxaa laga dhaliyay 1 Gool kaliya, halka 17 Gool ay dhaliyeen, Naadiyada ugu waaweyn dalka Talyaaniga ee doonaaya ineey qaadaan Horyaalka ayaa haatan waxaa soo food saartay Cabsi aad u weyn.

Is bar bardhig:

Barcelona waa hogamiyaha Horyaalka Spain, waxay dhalisay 24 Gool 5 Goolna waa laga dhaliyay.

Arsenal, waa Hogaamiyaha Horyaalka Ingiriiska, waxay dhaliyen 13 Gool 7 Goolna waa laga dhaliyay.

Brussia Dortmund, waa hogaamiyaha Horyaalka Jarmalka, 21 Gol ayay dhaliyeen 5 Goolna wa laga dhaliyay.

Monacco, waa Hogaamiyaha Horyaalka Faransiiska, 14 Gool ayay dhaliyeen 4 Goolna waa aga dhaliyay.

Sidaas daraadeed Naadiga Rome waa Hogamiyaha Naadiyada Yurub, 6 kulan oo isku xiga ayay guuleystay.

Gervinho ayaa dhaliyay labo gool oo qurux badan isagoo ka caawiyay AS Roma inay 5-0 ku xasuuqdo kooxda Bologna islamarkaana ku soo laabato hogaanka Serie A iyadoo badisay kulankeedii lixaad ee isku xiga horyaalka Serie A. Roma oo xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta lixaad ayaana xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si wacdarro leh iyagoo ah kooxda kaliya ee wada badisay dhamaan kulamadii ilaa iyo haatan la ciyaaray horyaalka Serie A, waxaana ay leeyihiin 18 dhibcood. Qaab ciyaareed kale oo cajiib ah ayaan keentay in Roma ay ku xasuuqdo Bologna garoonkeeda Stadium Olimpico.

Waxaa Qoray: Bashiir Addow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here