Rome: Booliska Italy oo xiray nin Soomaali ah

Booliska ItalyNinkaan ayaa Booliska Magaalada Rome ay gacanta ku dhigeen iyadoo aanan la shaacin magaciisa, balse Booliska waxa ay sheegeen tuhun weyn in laga qabo.

Xeer ilaaliyaasha Magaalada Waqooyiga Talyaaniga ku taalla ee Brescia ayaa codsaday in la xiro ninkan, isagoo loo heysto in uu warqado been abuur ah u sameeyey tahriibayaal.

Dadka uu ninkaas warqadaha u sameeyey waxaa kamid ah laba qof oo u dhalatay waddanka Suuriya oo sanadkii hore loo xiray in ay xiriir la’leeyihiin kooxda Daacish.

Tiro badan oo muhaajiriin ah ayaa safar dhinaca badda ah ku gala Talyaaniga bil kasta, waxaana dowladda dalkaas ay dhowr mar qabatay shakhsiyaad lagu eedeynayo in ay yihiin kuwa dadka tahriibiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here