Roma oo dooneysa macalin Allegri

Kooxda Roma ee dalka Talyaaniga ayaa Khamiista maanta shaacisay in ay dooneyso la soo saxiixitaanka tababaraha kooxda AC-Milan Massimiliano Allegri.

Sida uu qoray wargeyska The Corriere dello Sports oo ka soo baxa dalka Talyaaniga,kooxda Roma ay miiska soo bandhigtay heshiis seddax sanno oo ay la geyleyso macalin Allegri.

Sida ay lee yihiin warbaahinta Talyaaniga, kooxda Roma ayaa soo bandhigtay heshiiskan markii ay ka warheshay in mulkiilaha kooxda Milan Selvio Berlusconi uusan ku qanacsaneen ciyaaraha uu soo bandhigay macalinkan.

Madaxweynaha kooxda Roma, James Pallotta iyo maamulaha kooxda Franco Balldini ayaa kulan gaar ah la qaatay macalin Allegri waxaana loo sheegaegay in uu kooxda u soo wareego.

Si kastaba, macalin Allegri ayaa la sheegay in ay is-qabteen weerar yahan Stephan Shaarawy, kaddib markii 20-jirkan laga saaray ciyaartii ay la yeesheen kooxda Napoli.

Laakin ciyaaryahan Shaaraway mar uu la hadlaayay shaley Janaalka Millan Chennel wuu beeniyay in uu jiro khilaaf isaga macalinkiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here