Rodgers: Manchester City ayaa leh koobka

Rodgers: Manchester City ayaa leh koobka
Rodgers: Manchester City ayaa leh koobka

Macallin Brendan Rodgers, ayaa aaminsan in kooxda Liverpool  uu dhammaaday fursadii ay ka lahayd in ay ku guuleesao horyaalka Premier League.

Wuxuu sheegay in horyaalka ay ku guuleesan doonto kooxda Manchester City, kaddib markii Reds ay barbardhac 3 iyo 3 la gashay Crystal Palace Isniintii.

Kooxda Liverpool ayaa seddax gool ku hoggaamineysay ilaa 15-daqiiqo dambe balse cayaarta ka dhacday garoonka Selhurst Park waxa ay ku dhammaatay 3 iyo 3.

Goolasha ay dhaliyeen Joe Allen, Daniel Sturridge iyo  Luis Suarez waxaa laga dhigay kuwa waxbo kama jiraan ah.

Rodgers ayaa saadaaliyay in Manuel Pellegrini uu kooban is kaleeyay.

“Waxaan rabnay in caawa guuleesano balse ma dhicin waxaan rabaa in aan bogaadiyo Manchester City oo leh horyaalka, labo kulan ayaa ka harsan horyaalka,annaga waxaan lee nahay hadda 81-dhibcood waxaan gaarnay guul la taaban karo” siddaas ayuu u sheegay Sky Sports markii ay cayaarta dhammaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here