Robin van Persie oo u suurta galiyay Man U in ay ka badiso Arsenal

339335hp2

Robin van Persie ayaa dhaliyay goolka kaliye ee ka dhashay cayaartii xaley ee kooxaha Manchester United iyo Arsanal.

Cayaarta ka dhacday garoonka Old Trafford waxa ay ahayd mid xiiso badan, labada koox ayaa soo bandhigay cayaar isku dheeli tiran waxaana ay heleen fursado loo fishay goolal kaakin ma dhalan.

Van Persie waxaa uu dhaliyay gool markii uu gool la’aan ahaa shantii kulan ee la soo dhaafay ee horiyaalka Ingiriiska.

Tababbarre Arsene Wenger ayaa cayaarta markii ay dhammaatay wuxuu sheegay in uu ku qanacsan yahay cayaarta la soo bandhigay.

Sidoo kale, Tababbaraha kooxda Man U David Moyes ayaan hadda laga badin sagaal oo isku xigga.

Si kastaba, kooxda Arsenal waa hoggaamiyaha horiyaalka Premier League waxaana ay keensatay 11-kii kulan ee la soo dhaafay 25 dhibcood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here