Roberto Mancini: Xagaagan waan ibineynaa Balotelli

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegay in koodiisa ay iska iibin doonto marka la gaaro xagaaga weeraryahan Mario Balotelli kadib marki shalay dibada loo saaray.

Mario ayaa kaarka casaanka ah la siiyey inti uu socday kulan ay shalay City la ciyaartay Arsenal kaasi oo ay Arsenal ku badisay 1-0.

21 jirkaan u dhashay dalka Talyaaniga ayaa noqday shaqsi madaxjab badan ku riday taageerayaasha kooxda ka dhisan Etihad Stadium xilli ciyaraeedkaan sababo la xiriira hab dhaqan xumadiisa marka lagu jiro garoonka ama marka uu dibada joogo.

Mar la weydiyey macalinka Mancini ma iibineysaan Mario Balotelli ayuu ku jawaabay waxaa suura gal ah in aan iibino dhamaadka xilli ciyaareedkan oo ah bisha June.

“Qiyaastii waxaa dhici karta in aan iibino, laakin ma garanayo waxay waxlba ku xirnaan doonaan ciyaaryahanka oo ah nin cajiib ah, mar walbo uu Mario garoonka ku jrio waxaan qatar ugu jirnaa in dibada loo saaro,” ayuu yiri.

“Hada waxaa noo harsan lix ciyaarood, lixdaasi kulan isaga ma ciyaari doono,” ayuu sii raaciyey macalin Manicini oo isna kasoo jeedo Talyaaniga.

Waa roosihi sadexaad oo xilli ciyaareedkaan qaato Mario Balotelli.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.