Roberto Mancini oo laga ceyriyay maamulka Manchester City

Maamulka kooxda Manchester City ayaa cayriyay tababarihii kooxda Roberto Mancini, kaddib markii ay guul-daro kala kulmeen kooxda Wigan taasoo toddobaadkan ku guuleesatay koobka labaad ee dalka Ingiriiska FA Cup.

Macalinka reer Talyaani ayaa kooxda Ingiriiska maamulayay seddax sanno iyo bar, waxaana shaqada hadda ku wareegay kaaliyihiisa Brian Kidd kaasoo kooxda maamuli doona labada ciyaar ee ka harsan tartanka horiyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan iyo safarada ay ku tagayaan Maraykanka.

Sida ay qoreen saaka oo Tallaado wargeysyada Britain, waxaa loo badinayaa in uu rababaraha kooxda Malaga ee u dhashay dalka Chile Manuel Pellegrini in uu badelo.

59-jirkan  Pellegrini, ayaa muddo hal xilli kuu soo qaatay  kooxda Real Madrid sannadkii 2009-10, Maamulka kooxda Man City ayaa soo dhaweeyay shaqada uu u qabtay kooxda tababare Mancini.

Khaldoon Al Mubarak ayaa yiri : “Roberto wuxuu kooxda ka sameeyay rikoor fiican, taasna waxaa hubanti ka dhigtay in aad looga jecel yahay kooxda .”

Tababaraha reer Talyaani ee 48-jirka ayaa shaqada kala wareegay Mark Hughes bishii December sannadkii 2009, wuxuu kula guuleestay koobja FA Cup sannadkii 2011 iyo markii ugu horreysay oo 44-sanno kaddib uu u qaatay tartanka horiyaalka Ingiriiska Premier Leagu.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here