Roberto Mancini oo caro kala dul dhacay kooxda Manchester City

Tababare Roberto Mancini ayaa si cad ah u dhaleeceeyay maamulka kooxda Manchester City kaddib markii laga qaaday koobka labaad ee dalka Ingiriiska aadka looga xiiseeyo ee FA Cup, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu shaki ku jiro mustaqbalka macalinka reer Talyaani.

Wuxuu yiri: “Guul daradan muddo lix bilood waa ay socon doontaa, in kastoo ciyaaro badan aan yeelanay labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Laakin ma sheegi karo hadda in aan kooxda ka tagayo iyo in kale, mana ahan warkaas mid sax.” Ayuu yiri Mancini

Ciyaaryahan Ben Watson ayaa goolka guusha daqiiqadii 90-aad ka dhaliyay kooxda Man City.

Wuxuu ahaa goolkaas kii ay guusha ku gaartay kooxda Wigan, wuxuu noqday koobkii ugu horreeyay ee 81-sanno kaddib kooxda Wigan ay hantiso.

Tababare Mancini iyo xidigihiisa xilli ciyaareedkan waxa ay tartanka ku dhammeesan doonaan iyagoo wax koob ah ku guuleesan

“Hadafkeenu marka uu billowday tartanka wuxuu ahaa in aan xilli ciyaareedkan ku guuleesano horiyaalka Ingiriiska ee Premier League,” sisdaas waxaa yiri Mancini. “laakin Waxaan u maleenayaa in uu ahaa qaladka naga dhacay  in markii uu suuqa furnaa aan ka faa’ideesan iyadoo aan heesanin ciyaartoy nagu filan.”  Ayuu markale yiri.

Wariye BBC-da uga soo warrama wuxuu lee yahay kooxda Man City waxa ay kal horre heshiis la gashay tababare Pellegrini, laakin wuxuu intaas ku daray in dhab ahaanshiyaha warkaas uu yahay mid u baahan sax iyo ama qalad.

Muddo toddobaad ah ama labo toddobaad ayaa lagu oggaan doonaa dhab ahaan shiyaha warkaas.

“Uma baahni in aad weydiiso warkan kooxda ma jirto hadda sabab keeneysa in la waydiiyo kooxda.”

Mancini, ayaa la arkaayay isagoo la hadlaayay maamulaha kooxda Khaldoon Al Mubarak ka hor inta aysan billaabin ciyaartii Wembley:

Wariyaha sheekadan qoray ayaa wuxuu lee yahay waxaan arki doonaa labada toddobaad ee soo socota in Mancini uu ka tagayo kooxda iyo in kale,, dadku waxa ay lee yihiin fiican ayuu qabtay oo aad u adag tan iyo markii kooxda uu yimid.”

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here