Roberto Carlos: Mourinho wali isaga ayaa Numbar One

Halyeeygi hore ee kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa rumeysan in macalin Jose Mourinho uu ka wanaagsanyahay farsama yaqaanka naadiga Barcelona Pep Guardiola.

Mourinho ayaa badiyey hal kulan oo qura badiyey ciyaarta El Classico tan iyo masrki uu tagay magaalada Madrid inta kale waxaa badinaysay Barcelona oo lala yaabanyahay sida ay uga xoog roonaatay Real.

Laakin Carlos oo hada u ciyaara kooxda Anzhi Makhachkala ee dalka Russia ayaa sheegaya in dabeecada iyo la qabsashada ay kala duwantahay Mourinho-na uu yahay macalinka ugu fiican caalamka.

“Mourinho wali waa number one – marka aad eegto dabeecadiisa, habka uu u ciyaarsiiyo kooxda iyo farsamooyinkiisa, sababtoo ah koox kasta oo uu leyliyo way badisaa, waan arki doonaa  hadii Guardiola uu sidaan u badin karo marka uu tago Chelsea ama Inter, markaas ayaan sheegi karnaa cida wanaagsan,” ayuu u sheegay Carlos wargeyska Marca ee dalka Spain.

Inkastoo uu sheegayo in Mourinho uu yahay macalinka koowaad hadana waxa uu qirsanyahay in macalin Guardiola oo ah 38 jir uu yahay tababare aanan dab yar shideyn.

“Pep waa macalin casri ah oo caqli badan, geesi ah isla markaana jecel kubada cakta iyo ciyaartooydiisa, wax badan ayuy ka yaqaanaa kubada laakin Mourinho wuxuu ku guuleystay dhamaan dalalki uu tababaraha kasoo noqday,” ayuu yiri.