Robert Lewandowski oo heshiis la gaaray Real Madrid

Robert-Lewandowski-613217Wararka ka’imaanaya dalka Spain, ayaa sheegaya in Kooxda Real Madrid ay heshiis la gaartay weerar yahan ka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

Wargeyska caanka ah ee AS ayaa shaacisay in Real Madrid ay heshiis la gaartay Robert Lewandowski kaas oo diirada u saarnaa mudo dheer, laacibka ayaa isku diyaarinaya inuu ka soo dhaqaaqo Allianz Arena xaggaagan.

Agaasimaha kooxda Real Madrid Jose Angel Sanchez ayaa la kulmay wakiilka Lewandowski intii lagu guda jiray kulamadii Semi Final-ka Champions League ee bishii hore.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wadahadaladii u dhexeeyay Real iyo wakiilada Lewandowski la dhameeyay isla markaana weerar yahanka reer Poland uu heshiis lagaaray Real Madrid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here