Robbie Keane oo diidday in uu ku soo laabto horiyaalka Ingiriiska

32-jirka u ciyaara kooxda Maraykanka ka dhisan ee LA Galaxy ayaa sheegay in uusan rabin qaab amaah in uu u yimaado horiyaalka dalka Ingiriiska ee  Premier League .

Wuxu yiri waxan doorbiday in aan ku nasto horiyaalka MLS , maxaa yeelay dhaac ma rabo waxa iiga fiican inta aan imaan lahaa Ingiriiska waqti yer in aan iska nasto.

Weerraryahanka kooxda LA Galaxy  Robbie Keane ayaa meesha ka saaray in uu si ammaah u yimaado horiyaalka  Premier League, wuxuuna yiri waxan rabaa in ka soo kabto dhaawacyada i soo saagay, maadama horiyaalka cusub ee Major League Soccer uu furmaayo bisha March.

Xiddiggan ayaa bishii January illaa February sannadkii  2011-12 waxa uu ammaah ugu ciyaarayay kooxda Aston Villa, isagoona u dhaliyay illaa seddax gool 7-kulan oo u ciyaaray kaddibna waxa uu ku laabtay horriyaalka MLS-ka.

Si kastaba xiddigga ayaa la sheegay in ay aad u xiiseeneyso kooxda  QPR oo dhowr jeer xiriir la sameesay.

Weerrayahankan ayaa dhaliyay 180 gool kaddib markii uu ka soo muuqday horiyaaladda waddamada England, Italy, Scotland iyo Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here