Robben: Farsamada Madrid waa la cajibay

Robben: Farsamada Madrid waa la cajibay
Robben: Farsamada Madrid waa la cajibay

Xiddiga garabka uga cayaara Bayern Munich, Arjen Robben ayaa sheegay in ay dhib badnaan doonto sidda looga adkaado Real Madrid marka labada koox ay kulmaan dabayaaqada toddobaadkan.

Difaacayaasha horyaalka ayaa laga adkaaday toddobaadkii horre, markii Karim Benzema uu dhaliyay goolka kaliye ee uu ku badiyay macallin Carlo Ancelotti lugta horre cayaarta Semifiinalka Champions League.

Xiddiga reer Dutch ayaa qiray in kooxda Spanishka ay si weyn isaga difaaci doonaa marka haben dambe ay soo gaarto Allianz Arena.

“Waxaan la yaabay farsamooyinka ay isticmaalayaan difaacayaasha Madrid, waxaan diiradda saari doonaa cayaar digaac iyo weerar ah, waan naqaan kooxda Madrid sidda loola cayaaro,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

Wuxuu sheegay in ay ku dedaali doonaan siddii ay ugu soo bixi lahaayeen cayaarta Fiinaalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here