R’isulwasaaraha oo gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dr Cabdiwali oo maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiiru dowlaha dakadaha gaadiidka, cirka iyo dhulka iyo wasiir xigeenka holaha guud.

Socdaalka wasiirka koowaad ee xukumada ayaa qaadan doono mudo afar maalin ah, isaga oo magaalada Nairobi uga sii gudbi doona magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Kenya, inta uu safarkiisa ku guda jiro wuxuu la kulmi doonaa madax ka tirsan labada dowladood iyo wakiilada beesha caalamka.


Arimaha uu u baxay ra’isulwasaaraha ayaa ah sidi uu warbixin uga siin lahaa beesha caalamka halka uu marayo barnaamijka roadmap iyo qalalaasaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.