Rio Ferdinand oo laga saaray kooxda qaranka England

Difaaca kooxda Qaranka England, ayaa laga saaray ciyaartoyda ka qaybgalaya labada ciyaarood ee ay la kala yeelanayaan  waddamada Marino and Montenegro.

Waxaa difaacan u ciyaara kooxda Manchester United lagu badalay oo booskiisa loo arkay in ay buuxin karo difaaca naadiga Tottenham Steven Caulker.

34-jirkan ayaa kula kulamay macalinga xulka England Roy Hodgson magaalada London Axadii toddobaadkan, waxaa la sheegay in kulankaas aan wax heshiis iyo is afgarad toona ka soo bixin laguna kala kacay.

Waxaa loo sheegay Rio in uu baaritaan caafimaad sameeyo isla markaana uu tababar joogta ah la yeesho xulka maadama uu dhowr bilood tababar la qaadan xulka Egnland.

Kooxda England ayaa Jimcaha toddobaadkan waxa ay la ciyaari doontaa kooxda  San Marino, tartanka isreebreebka koobka adduunka, waxaana ciyaarta labaad Salaasada soo socda la yeelanayaan kooxda  Montenegr.

“Waan ka niyad jabay Rio laga waayo kooxda oo aan la heli kari sababo la xiriirta caafimaadkiisa oo u baahan baaritaan ,” Hodgson ayaa warkan u sheegay bogga xiriirka kubadda England FA’s website

Si kastaba, horrey ayaa macalinka kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson wuxuu ka walaacsanaa in Ferdinand uu ka mid noqdo xidiggaha u ciyaaraya kooxda qaranka dalkiisa maadama uu ay heestaan dhaawacyo yer yer oo in mudda ah hayay.

Difaaca reer Tottenham, Steven Caulker, ayaa wuxuu ka tirsanaa ciyaartoyda kooxda qaranka England ee 21-jirada,, waxaa loo gartay in lagu badalo Ferdinand da’ iyo dhaawacyo la hareen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here