Ricardo Montolivo “Pazzini waa shaqsiga kaliya ee Milan kadhiman”

Laacibka qadka dhexe ee Ac milan Montolivo ayaa soo dhoweeyay saaxiibkiis Cusub ee Pazzini oo kasoo dhaqaaqay naadiga Inter milan,Montolivo iyo pazzini ayaa mudo kuwada sugnaa naadiga Sampadoria.

Montolivo ayaa sheegay in xidigaan ay mudo soowada ciyaareen saaxiibo aad isugu fogna ay ahaayeen,Pazzini ayaa saakay kusugan xerada tababarka ee Milan waxaana lagu wadaa in saadaha soo aadan uu tijaabo caafimaad maro.

Pazzini ayaa gudaha talyaaniga looga naaneesaa dawacadii dhagarta badnayd,waana xidig aad xariif ugu ah dhuumashada iyo kubadaha hawada sare.

Xidigaan ayaa imaashihiisa milan waxay kadanbeeysay markii ay labada naadi ee Ac milan iyo Intermilan isku afgarteen ineey kala badashaan Cassano iyo Paziini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here