Ribery oo yiri “Ronaldo uma qalmo in uu ku guuleesto Ballon d’Or

Ribery oo yiri "Ronaldo uma qalmo in uu ku guuleesto Ballon d'Or
Ribery oo diidda Ronaldo in uu ku guleesto ma qalmo in uu ku guuleesto Ballon d’Or

Xidigga Bayern Munich ,Franck Ribery ayaa weerar ku qaaday cayaaryahanka sannadkii 2013-ka ku guuleestay abaalmarinta Fifa Ballon d’Or Cristiano Ronaldo.

Wuxuu sheegay in uusan u qalmin abaarmarinta la siiyay cayaaryahanka reer Portugal maadama uu uusan koobab u soo hoyin sannadkii la soo dhaafay

Ribery ayaa hadalkan sheegay kaddib markii toddobaadkii horre hey’adda Fifa ay ku bixisay magaalada Zurich abaalmarinta cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka.

Waxaana Ronaldo uu ka qaaday awoodaas weerar yahanka kooxda Barcelona, Lionel Messi iyo Bavarian ee Ribery .

“Waxaan ku guuleesan karnaa, annigoo la joog Bayer, Ronaldo iyo cayaartoyda kale ee loo gacan galiyay abaalmarintaas ma ahan kuwa u qalmo,” Ribery ayaa u sheegay AZ.

“Ma dhahayo waan seegay balse waa dhaawac in aan guuleesto abaalmarintaas, waana u qalmay in aan ku guuleesto Ballon d’Or” ayuu yiri markale.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here