Ribery: Bayern awood ayey ugu yeelan kartaa in ay kula tartanto suuqa kooxaha Barcelona iyo Real Madrid

Ciyaaryahanka Franck Ribery ayaa sheegay in kooxda  Bayern Munich ay awood u lee dahay in ay kula tartanto kooxaha adduunka sida Barcelona and Real Madrid marka ay timaado in ciyaartoy ay la soo xiixdaan.

Xiddigan reer Faransa ayaa damacsan in uu aado dhinaca waddamada Spain ama Ingiriiska iyo horiyaalka English Premier League,laakin wuxu sheegay in uu door biday in la joogo kooxda Bavarians.

Isagoo la hadlaayay wargeyska ciyaaraha ka faalooda ee Bild. Ayuu yiri “Bayern mar kasta waa Bayern. Si kastaba, waxa ay awood u lee dahay in la soo wareegto xiddigga ugu fiican ee jooga Barcelona, Real Madrid ama horiyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League,”

Ribery  wuu sii hadlay “Maalin dhexdaas , waxaa dhacday in ciyaartooy muhiim ah ay door bidayaan in ay yimaadaan kooxda Bayern.

“Xaqiiqda waxa ay tahay in labo jeer aan gaarnay ciyaarta kama dambesta ee koobka kooxaha qaaradda Yurub seddaxdii sanno ee la soo dhaafay.”

Ribery ayaa kaga soo biiray kooxda Bayern naadiga Faransiiska ee  Marseille bartamihi sannadkii-2007, sidoo kale wuxuu ka mid noqday xidiggaha ugu muhiimsan ee garoonka Allianz Arena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here