Turkiga wuxuu rajo fiican ka qaba in Soomaaliya iyo Somaaliland ay mar kale dib u midoobaan

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan, ayaa ka dhawaajiyay in uu rajo fiican ka qabo wada-hadalada u billowday dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay ka dhalaan karaan in ay labadan dhinac dib u midoobaan.

“Waxaan ku rajo waynahay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay dib u midoobaan,” ayuu yiri Erdogan sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee Associated Press.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegmay iyadoo horaantii toddobaadkan ay kulankii ugu horreeyay oo wadahadal ah ay Ankara ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Soomaaliya ayaa ku adkaysanaysa in Soomaaliland ay tahay gobol kamid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona oggolaan doono inay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

Ugu dambeen, Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay mar kale ku kulmi doonaan Istanbul muddo 90-maalmood gudohood.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here