Realmadrid oo markale dharbaaxo kala kulantay Malaga {Sawiro}

Naadiga Malaga, oo kaalinta 4aad kaga jirta horyaalka Spain, ayaa xalay guul aad qaali u ah waxay ka gaareen Naadiga boqortooyada ee Realmadrid kadib markii ay kaga adkaadeen 3/2.

Laacibiinta Realmadrid, ayaa kahor inteeysan bilaaban Ciyaarta muujiyay dareenka ay u hayaan macalinka Barcelona Titi Villanova, oo hada kujira Isbitaal, waxayna soo xirteen funaanado ay ku qoranyihiin ”Animo Tito”.

Guuldarada Real soo gaartay ka sokoow dhamaan taageerayaasha iyo maamulka waxay la yaabeen kadib markii uu Jose Mourinho kursiga keydka xalay markii ugu horeesay uu ku hilmaamay kabtanka kooxdaas ee Iker Casilas, waana mid aan dhicin tan iyo sanadkii 2002-da markaasoo Casilas uu noqday goolhayaha joogtada ee Realmadrid.

Qaybtii hore ee Ciyaarta Real ayaa waxay weerar xoogan ku qaaday goolka Malaga, gaarh ahaan C.ronaldo oo dhoowr mar ku sigtay inuu gool kadhaliyo.

Iker Casilas oo aad uga xun kursiga keydka ee xalay la galiyay
Iker Casilas oo aad uga xun kursiga keydka ee xalay la galiyayq

Sidoo kale qaybtii hore ee Ciyaarta, labada naadi ayaa marba mid waxa uu la wareegayay kubadda iyadoo daqiiqadii 20-aad ilaa 25 ay kubada lugaha ugu jirtay Coyaartooyda Malaga.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa laacibka Malaga Isco, waxaa u suurta gashay inuu goolka koowaad kadhaliyo realmadrid, kadib markii uu baas qurxan kahelay Sanchez.

Ciyaaryahanada Realmadrid, ayaa sii laba laabay weerarka ay ku hayeen goolka Malaga si ay isaga soo gudaan goolka looga hormaray laakiin uma suurta galin oo waxaaba dhowr mar lagu helay Kubado halis ahaa loona filan karay goolal.

Daqiiqadii 61aad ayaa Realmadrid waxaa u suurta gali rabay ineey helaan goolka barbaraha kadib markii uu fursad wanaagsan helay C.ronlado, laakiin waxaa badbaadiyay Malaga Ciyaaryahanka Khabiirka ah islamarkaasna uga ciyaara qaybta danbe ee daafaca Dimechelis kaasoo kubada u saaray banaanka.

Milkiilayaasha realmadrid oo la yaaban habdhaqanka Mourinho
Milkiilayaasha realmadrid oo la yaaban habdhaqanka Mourinho

Ciyaaryahanka Kaka, ayaa daqiiqadii 63-aad soo galay Ciyaarta kadib markii lagu badalay Dimaria, kaasoona Ciyaarta wax badan kabadalay, kubado wanaagsana u abuuray Benzema, laakin sidii loo baahnaa uusan kaga faa’iideeysan.

Hamigii Realmadrid, ayaa waxaa dhulka lagalay Ciyaaryahan Santi Gruz, oo ciyaarta badal kusoo galay daqiiqadihii ugu danbeeyay isagoona laba gool oo is xig xigay ka dhaliyay.

Realmadrid, oo kaalinta sadexaad hada lafadhida 33 dhibcood ayaa 16-dhibcood waxaa hogaanka kaga haya Barcelona oo leh 49 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here