Real madrid oo war kasoo saartay dhaawaca C.ronaldo

1397129219_750205_1397129271_noticia_grandeBogga rasmiga ah ee Real Madrid, ayaa lasoo dhigay war lagu faah faahinayo Xaalada Caafimad ee Laacibka C.ronaldo.

Maamulka Real ayaa xaqiijiyay, in Baaris lagu sameeyay CR7, ay cadeyneyso inuu dhaawac fudud ka qabo Muruqa, dhaawacaasoo soo gaaray lugtii 1aad kulankii ay 3-0 uga badiyeen Brussia Dortmund.

Dhaqaatiirta Real, ayaa xidigan ku waaniyay, inuu qaatoo maalmo nasiino ah, islamarkaasna uu mustaqbalkiisa galin qamaar.

C.ronaldo, ayaa Naadigiisa isbuucaan ula safray Jarmalka, waxaana uu ahaa mid kurisiga keydka ka daawanayay ciyaar 2-0 lagu dubtay Real Madrid.

CR7, ayaa lagu wadaa inuu soo laabto kulanka El Classico ee ay wajihi doonaan Kooxda Barcelona Koobka Del Rey finalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here