Real Madrid oo wali ah kooxda ugu dhaqaalaha badan caalamka

Kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa noqday kuwa ugu dhaqaalaha badan dhamaan kooxaha kubada cakta ee caalamka.

Labadaan naadi oo ka dhisan dalka Spain ayaa gadaal iska mariyey naadiyada dalalka England, Germany, Italy iyo France sida aanu kasoo xiganay ururka qiimeeya dhaqaalaha iyo daqli sanadeedka ee  Deloitte Football Money League.
Bayaan uu soo saaray sanadkaan ayuu ku sheegay in laba koox ee reer La Liga ay yihiin kooxaha kaliyah ee dakhligooda sanadlaha ah uu gaaray €450 million.

Real Madrid ayaa ku jirto kaalinta koowaad waana sanadki todobaad oo xiriir ah oo ay kaalinta koowaad ka galeyso qiimeynta kooxda ugu hodansan aduunka ee ururka Football Money League, waxay booskaasi kala baxday kooxda Manchester United.

Laakin waxaa aad ugu dhaw oo tartan xaga dhaqaalaha ah kula jirta kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, dhaqaalaheedu kor ugu dhacay boqolkiiba 13 xilli ciyaareedki lasoo dhaafay ee 2010-11, qarashka soo galay ayaa gaaraya €450m waana marki ugu horeysay oo ay hesho faa”ido intaasi la eg.

Heshiiska xaga iidhehda funaanadaha ay ku ciyaarto Barcelona oo ay ku xayeysiiso ururka Qatar Foundation,  ayaa lagu sheegay kan ugu badnaa ee kor u dhigay daqliga kooxda soo galay 2011-12.

Hase yeeshee Real Madrid ayaa ku kalsoon in sanadka soo aadan ay sii heysan doonto kooxda ugu horeyso ee qiimeynta Money League.

Labada koox ayaa ku faa’iiday tartamada muhiimka ah iyo kaalimaha ay kaga jiraan gaar ahaan koobka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda Manchester United ayaa hoos u dhaceeda waxaa lagu sheegay guuldaradi kasoo gaartay ka haritaanka koobka Champions League ee wareegiisa koowaad xilli ciyaareedkaan, waxaana ay hoos uga dhacday kooxaha reer Spain lacag dhan €100m.

Dhanka kalana kooxda Schalke ee dalka jarmalka ayaa si layaab leh usoo gashay 10-ka koox ee Yurub ugu daqliga fiicnaa sanadki lasoo dhaafay, waxa ay ku jirtaa booska 10-aad oo ay ka xiiraxaty kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.

Waxaa xusid mudan in lixda kooxood ee ugu sareysa 20-ka naadi ee ugu daqliga iyo dhaqaalaha badan Yurub aysan afarti sano ee lasoo dhaafay ka dhaqaaqin halki ay ka joogeen qiimeynta, kooxahaasina waa kuwan– Madrid, Barcelona, United, Bayern Munich, Arsenal iyo Chelsea.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu heynaa liiska 20-ka naadi ugu dhaqaalaha badan Yurub oo aan idinkugu muujinay kooxda magaceeda iyo dhaqaalaha soo galay xilli ciyaareedki 2010/2011:-
CLUB                                                              Dakhliga soo galay
1. Real Madrid                                               €479.5m

2. Barcelona                                                  €450.7m

3. Manchester Utd                                       €367m
4. Bayern Munich                                         €321.4m

5. Arsenal                                                      €251.1m

6. Chelsea                                                     €249.8m

7. Milan                                                         €235.1m

8. Inter                                                          €211.4m

9. Liverpool                                                   €203.3m

10. Schalke
11. Tottenham                                      €202.4m €181m
12. Man City                                           €169.6m
13. Juventus                                          €153.9m
14. Marseille                                         €150.4m
15. Roma                                                €143.5m
16. Dortmund                                       €138.5m
17. Lyon                                                  €132.8m

18. Hamburg                                         €128.8m

19. Valencia                                          €116.8m
20. Napoli                                            €114.9m

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.