Real Madrid oo suuqa dhigeysa Benzema si ay usoo qaadato weeraryahankan halista ah

Kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League ee Real Madrid ayaa waxaa haatan diiradda u saaran xiddigo farabadan oo weerarka ka ciyaara, waxaana xusid mudan in Los Blancos laga diri doono xiddigo ku fashilmay inay wacdaro dhigaan.

Alvaro Morata ayaa liiskaas ugu horreeya kaasoo kusii jeeda kooxda Manchester United, tababare Jose Mourinho ayaana wuxuu weeraryahankaas ku qanciyey inuu kasoo tago Real Madrid maadaama uu magac weyn ku sameyn karo Old Trafford.

Zinedine Zidane ayaana wuxuu haatan kusoo baraarugay inay tahay inuu dhanka weerarka ka xoojiyo kooxdiisa oo hanatay koobka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Shabakadda Don Balon ee dalka Isbaanishka ayaana waxay haatan sheegeysaa inay Los Blancos isku diyaarineyso inay iska dirto weeraryahanka u dhashay dalka Faransiiska Karim Benzema.

Shabakadda Don Balon ayaana intaas ku dareysa inay maamulka kooxda Real Madrid bedelka Benzema u arkaan weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski.

Gooldhaliyaha Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang iyo garabka kooxda Juventus Paulo Dyubala ayaa sidoo kale diiradda u saaran tababare Zinedine Zidane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here