Real Madrid oo ku guulaysatay Copa del Rey

Bale oo dhaliyay goolka guusha
Bale oo dhaliyay goolka guusha

Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleesatay Copa del Rey kaddib markii cayaartii ugu dambeesay ay ka adkaatay kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.

Labada koox ayaa ku cayaray garoonka Estadio de Mestalla ee magaalada Valencia.

Xiddiga reer Wales Gareth Bale oo lacag badan ugu fadhiya Real Madrid ayaa dhaliyay goolka guusha.

Cayaarta ay ku dhammaatay 2 iyo 1.

Qaybtii horre cayaarta ayaa Angel Di Maria uu dhaliyay goolka balse waxaa barbareeyay Marc Bartra oo ka dhigay cayaarta 1 iyo 1.

Dhabarjabkan waa markii ugu horreysay oo Barca ay waayo wax koob ma helin xilli cayaareedkan tan iyo markii kooxda laga eryayay Frank Rijkaard sannadkii 2007 ilaa 2008-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here