Real Madrid oo ku dedaaleysa Mourinho in uu sii joogo kooxda

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa sheegay in ay dedaal ballaarin galin doonaan sidii uu kooxda ula sii joogi lahaa tababare Mourinho xilli ciyaareedka soo socda.

Mourinho ayaa guul ka gaacay tartanka koobka kooxaha qaaradda Yurub markii ay ka adkaadeen kooxda Manchester United .

Punto Pelota oo ah sarkaal ka tirsan guddiga kooxda ayaa sheegay in laga dhaadhicin doono macalinkii hore ee kooxda Chelsea.

Mourinho ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda sida Iker Casillas iyo Sergio Ramos, ay jecel yihiin in macalinkan uu la joogo waqti badan.

Madaxweynaha kooxda Real Florentino Perez ayaa sheegay in ay diyaar la yihiin wax kasta oo lagu qancinaayo macalin Mourinho si uu sii joogo xilli ciyaareedka soo socda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here