Real Madrid oo ka hartay UEFA Champions League

Kooxda Borussia Dortmund ayaa u soo gudubtay ciyaarta kama dambeesta ee tartanka kooxaha qaaradda Yurub ee UEFA Champions League final markii ay hubanti ka dhigatay 4-3 isu geyn in ay uga soo gudubtay kooxda Real Madrid.

Kooxda Jermalka ayaa toddobaadkii horre 4 iyo 1 ku soo garaacday kooxda sagaalka jeer ku guuleesatay tartanka.

Xaley Real waxa ay u muuqatay mid la timid isbadla xooggan oo 10-daqiiqo marka ay ciyaarta socotay waxaa goolal labo u dhaliyay Karim Benzema iyo Sergio Ramos.

Jose Mourinho wuxuu sameeyay labo fursad maadama uu isku keenay Michael Essien and Angel di Maria for Pepe and Sami Khedira, laakin waxbo waa ay qaadi waayeen.

Ronaldo wuxuu sameeyay fursado laakin waxbadan ma tarin, waxaana xaley meel la saaray xidiggii Real afarta gool ka dhaliyay Robert Lewandowski oo dhowr ilaalo ah ayaa kaligiis la saaray.

Xidiggaha kooxda Real fursado badan ayey heleen qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana ka mid ah fursad loo firashay gool oo khasaariyay Khedira oo kubad koorno ah ka helay Benzema.

Si kastaba Dortmund waxa ay iska xaadirisay ciyaarta ugu dambeesa oo ka dhaceysa garoonka caanka ah ee Wembley, waxaana ay sugeysaa caawa cida soo baxda Barcelona ama Bayern Munich, kulankan kii ka horeeyay waxaa 4-0 ku badisay kooxda Jermalka ka dhisan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here