Real Madrid oo guul daro wayn dusha u saartay Barcelona

Waxaa xaley guul daro wayn dusha loo saaray kooxda Barcelona kaddib markii xaley kooxda ay aad isku xifaalaan ee Real Madrid uu  [1 – 3] kaga badiyeen.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Barca, waxaa labada koox ay u muuqdeen kuwa taxadar uu ka muuqdo, waana uu yeraa weerarka labada dhinac ay qaadayeen.

Ciyaarta waxa ay socotaba, waxaa daqiiqadii 13-aad ee qaybtii hore ciyaarta uu ciyaaryahanka C.Ronaldo lagu jalaafay meel ku dhow xerada ganaxaa ee goolka u dhow, taasoo keentay in gool ku laad loo dhigo, waana uu dhaliyay..

Ciyaarta ayaa qaybtii koobaad sidaas ay ku dhammaatay, in kastoo labada koox heleen fursado loo fishay gool, laakin ma suuragalin.

Intaa kaddib markii dib la isugu soo laabtay ayaa kooxda Real waxa ay markale heshay gool oo ah kii labaad, waxaana dhaliyay xidigga reer Portugan ee C. Ronaldo daqiiqadii 57-aad.

Barca markii uu goolka labaad ka dhashay waxa ay ku keentay niyad jab, waxaana u soo baxday in ay ka hartay koobka boqorka ee dalka Spain.

Sidaas oo ay tahay ciyaarta waxaa Barca laga dhaliyay goolkii seddaxaad, waxaana dhaliyay daqiiqadii 68-aad R. Varane.

Barca oo xaalada ku xun yahay ayaa halkoo gool heshay mar dhammaad ku dhowdahay ciyaarta daqiiqadii 89-aad waxaana dhaliyay   J. Alba.

Si kastaba, Barca, sidaas ayey uga hartay koobka Copa del Rey, waxaana horrey kooxda Barcelona laga badiyay lugtii koobaad ee horiyaalka Yurub Champions League.

Macalinka kooxda Real Jose Mourinho  ayaa soo dhaweeyay guusha kooxda ay ka gaartay kooxda ay xifaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here