Real Madrid oo guul ay mudo sugeysay ka heshay Barcelona

Gool uu u dhaliyey Cristiano Ronaldo ayey ku garaacday Real Madrid kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona ciyaarti xalay ee El Clasico taasi oo ay Real ku badisay 2-1.

Guusha Real Madrid ayaa aheyd mid ay sugeysay mudo maxaa yeelay tan iyo marki uu tababare Mourinhgo xilka qabtay sanadki 2010 Real Madrid meysan ku garaacin Barcelona ciyaar ka tirsan horyaalka Spain, waxaana haatan ay usoo carfayaa horyaalka La Liga oo ay ugu danbeysay sanadki 2008.

Real iyada ayaa hogaanka ciyaarta qabatay qeybti hore marki uu gool u saxiixay ciyaaryahan Sami Khedira iyadoo uu ka faa,ideystay qalad uu sameeyey Carles Puyol.

Laakin Barca oo lagu ciyaarayey garoonkeeda aya iska bar bareysay marki uu gool u saxiixay Alexis Sanchez oo lagu badalay Xavi, hase yeeshee Mesut Ozil ayaa kubad uu u sharaxay isla markaana uu baaskeeda lahaa waxaa si qurux badan u dhaliyey Ronaldo.

Guusha ay Madrid gaartay ayaa ka dhigan in hada ka sareyso kooxda kusoo xigta ee Barcelona 7 dhibcood oo nadiif iyadoo horyaalka ay ka harsanyihiin afar ciyaarood.

Real Madrid Axada soo aadan ayey kulankeeda xiga ku marti gelin doontaa gurigeeda kooxda Sevilla, sadex maalin kadibna waxay u safri doontaa Athletic Bilbao, kadibna waxay 6-da May la ciyaari doontaa kooxda Granada, kulanka ugu danbeeyana waxay marti gelin doontaa Real Mallorca.

Barca waxaa u harsan kooxaha Rayo Vallecano, Malaga,Espanyol iyo Real Betis oo ay kusoo qatimi doonto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.