Real Madrid oo gaartay guulweyn

Real Madrid oo gaartay guulweyn
Real Madrid oo gaartay guulweyn

Real Madrid ayaa 4-0 ku xaaqday kooxda Almeria kulan ka tirsan horyaalka Spain ee La Liga.

Goolasha afarta ah waxa ay ka kala yimaadeen Angel Di Maria, Gareth Bale, Isco iyo Alvaro Morata.

Guushan waxaa soo dhaweeyay tababbarre Carlo Ancelotti oo kooxdiisa ay soo gashay kaalinta labaad ee horiyaalka  Primera Division.

Barcelona ayaa guul-darro ka soo gaartay Granada goor horre oo maanta ah, taas waxa ay la micno tahay in Real – ay dooneyso in ay gasho kaalinta labaad ee kala horeynta horyaalka.

Kooxda Atletico Madrid, oo hoggaamiyaasha horyaalka ayaa booqaneysa Getafe Axadda maanta ah.

Si kastaba cayaarta caawa waxaa ka maqnaa xiddigga reer Portugal Cristiano Ronaldo kaasoo ka dhaawacan anqowga wuuna ka maqnaa cayaarta Real.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here