Real Madrid oo afar dhibcood oo qura iminka ka sareyso Barcelona

Kooxda Real Madrid ayaa xalay dhaafi weyday kooxda Valencia kadib marki ay isku mari waayeen barabo 0-0 ah ciyaar ku dhexmartay garoonka Santiago Bernabeu.

Dhalionyarada macalin Vicente Guaita ayaa ku qasbay kooxda Los Blancos in aysan wax gool ah dhalinin, waxa kale oo ay awoodi waayeen in ay lixdi dhibcood oo ay awal ka sareeyeen Barcelona sii xajiyaan.

Iminka Real waxay ka sareysaa Barcelona afar dhibcood oo qura, iyadoo ay xusid mudantahay in gool ilaaliyaha Valencia uu fursado qaali ah oo waliba laba ahaa kuwaasi oo gool loo filayey.

Hada Real shaqo adag ayaa sugeyso, waxaana ay halis ugu jirtaa in ay lumiso horyaalka oo ay in muda ah soo jiideysay, waxase wax waxlab ay ku xirnaan doonaan marka ay labada laacib iska hor yimaadaan dhamaadka bishaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.