Real Madrid oo 13 buundo ka sara martay Barcelona

Kooxda Real Madrid ayaa kordhisay dhibcaha ay kaga sareyso kooxda kusoo xigto ee Barcelona kadib marki ay xalay 4-0 kaga badisay naadiga Racing Santander.

Hogaamiyaasha horyaalka La Liga ee dalka Spain, waxa ay hada ka sareeyaan kooxda Barcelona 12 dhibcood, waxaana la dhihi karaaba wey carbuunatay hanashada horyaalka.

Kooxdan Real oo lagu naaneeso Los Blancos waxay goolkeeda hore keentay daqiiqadi lixaad waxaana madaxa ku saxiixay Cristiano Ronaldo ka hor inta aanan Racing laga dhigin 10 ciyaaryahan oo qura ka gadaal marki kaarka casaanka ah laga siiyey Domingo Cisma.

Madrid waxay ku dhameysatay qeybti hore ee ciyaarta 2-0 waxaana goolkaasi labaad dhaliyey Benzema.

Angel Di Maria ayaa dib ugu soo laabtay ciyaarta waxaana uu ku daah furtay gool daqiiqadi 73rd, halka goolka afraadna uu kusoo qatimay Benzema.

Guushaani ayaa imaaneysa xilli ay Real salaasada soo aadan la ciyaari doonto kooxda CSKA Moscow ciyaar ka tirsan wareega 16-ka ee koobka Champions League.

Guushaan waxay siineysaa kooxda uu  leyliyo macalin Jose Mourinho in ay haatan ka sara maraan 13 buundo oo nadiif ah kooxda kusoo xigto ee Barcelona oo caawa la balansan kooxda kaalinta sadexaad ee Valencia.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.